4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Afar xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley oo xabsiga loo taxaabay

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Afar xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa xabsiga loo taxaabay loona soo dhaadhiciyey magaaladda Hargeysa,

Xildhibaanadan ayaa ahaa qaaar mucaarad ku ah maayarka Gabiley Maxamed Aamin Cumar, kuwaas oo doonayey in xilka laga qaaado, waxaanay ku eedeeyeen fadhiidnimo, musuqmaasuq iyo waxqabad la’aan.

Inkastoo xukuumaddu wali ka hadal xadhiga loo gaystay afarta xildhibaan oo aanu sharcigu ogolayn in la iska xidho maadaama oo ay huwan yihiin xasaanadii dadkii soo doortay, haseyeeshee wararku waxay sheegayeen in loo haysto khilaafka ka dhexeeya maayarka iyo xildhibaanada qaarkood, kuwaas oo dalbanayey in kalfadhi xilka lagaga qaado uu maayarku u qabto xidlhibaanadda golaha deegaanka ee Gabiley.

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku mamnuucayso kalfadhiyadii aan caadiga ahayn ee golayaasha deegaanka,kuwaas oo xilalka lagaga qaadayo maayarada jooga, maadaama oo wakhtigoodii gabogabo marayo, isla markaana sanadka u dambeeyey aan xil ka qaadis dhici Karin.

Xildhibaanada xabsiga loo taxaabay waxay kala yihiin xildhibaan Buraale mawliid Aw Cabdi, Xildhibaan Xasan Maxamed Dhegjar, Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi Jiijaa iyo Xildhibaan IId Xasan Cabdi.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee kale ayaa sheegay in hadii la wada xidhayo aanay joojin doonin inay xilka ka qaadaan maayarka iyo ku xigeenkiisa, isla markaana ay ku socdaan sharciga iyo dastuurka.

Dhinaca kale, maayarka Gabiley Maxamed Aamin Cumar ayaa BBC-da ku eedeeyey inay waraysteen nin isaga iska dhigay, taas oo uu xusay inuu dacwad ka gudbin doono, haseyeeshee Idaacada BBC-da qaybteeda Af soomaaliga ayaa raaligalin ka bixisay khaladkaasi ka dhacay dhankooga maadaama oo labada numbar is waydaarteen,isla markaana qofkii lagu khaldamay iska dhigay inuu maayarka Gabiley yahay sidaas idaacaddu ku waraysatay..

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.