4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid liiska Odayaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada Jubbaland

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu qaadacay liiska Odayaasha dhaqanka Jubbaland ee soo xuliya xildhibannada Baarlamaanka.

Warkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in liiska Odayaasha Dhaqanka soo xulaya xildhibaannada Jubbaland waafaqsaneyn 

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ay kala shaqeyneyso wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland soo saarista liiska rasmiga ah ee odayaasha  dhaqanka Jubbaland ee soo xulaya Xildhibaanada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Jubbaland ayaan isku faaqsaneyn habka loo maamulayo doorashada dhawan la filayo in ay dhacdo Jubbaland iyo sidoo kale soo xulista xildhibaannada, waxaana marar badan oo hore uu ku celceliyay madaxweynaha Jubbaland in dowladda federaalka fara-galin ku heyso hannaanka doorashada oo loo baahan yahay ayuu yiri loo madax-bannaaneeyo guddiga loo xil saaray. 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]