4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Puntland oo soo bandhigeysa baaritaanka dilkii Paul Anthony

Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)- Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay la shaqeyn doonto cid kasta oo baaritaan ku sameyneysa warbixintii lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Marekanka.

Wargeyska ayaa baahiyay warbixin hadal hayn badan dhalisay oo uu ku sheegay in qarax iyo dil ka dhacay Boosaaso bishii May ee sannadkan ay ku lug lahayd dowladda Qatar, loona dan lahaa in lagu racdeeyo Imaaraadka.

Qatar ayaa arrintaa si adag uga hor timid, halka ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar isaga fogeysay eedaha ka soo muuqday warbixinta wargeyska.

Balse, warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland xilli dambe oo xalay ah ayaa lagu sheegay in weerarrada ay wiiqayaan xasiloonida, horumarinta iyo bixinta adeegyadda bulshadda.

"Puntland waxay si buuxda ula shaqeyneysa geeddi u socodka kasta oo baaritaan lagu sameynayo, waxayna dhowaan baahineysaa faahfaahinta baaritaan gaar ah ee dilka maamulihii P&O." ayuu ku daray warsaxaafadeedka.

Gabagabadii, warsaxaafadeedka waxaa ay Puntland carabka ku adkeysay in ay u taagan tahay xoojinta Soomaaliya oo wadajir ah, dimoqoraadi ah isla markaana federaal ah nabadna kula nool deriskeeda iyo caalamka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka Puntland ka soo baxay oo af Ingiriis ku qoran;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]