4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Shirkadda Qatar Petroleum oo heshiis la gashay shirakaddo shidaal baaris ka wada dalka Kenya

 

Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)-Shirkada Qatar Petroleum oo dowlada maamusho ayaa shaacisay in heshiis la gashay shirkadaha ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha dalka Kenya.

Qatar Petroleum ayaa xaqiijisay in ay iibsatay saami 13. 75 oo ay ka iibsatay shirkada ENI halka saami 11.25 ah iyana ka iibsatay shirkada Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin oo kala ah L11A, L11B iyo L12.

Heshiiskna waxaa dowlada Qadar u saxiixay wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta ee Qatar ahna madaxweynaha shirkadda Qatar Petroleum, waxa uuna sheegay Wasiirka in ay ku faraxsan yihiin saamigan ay ka iibsadeen shirkadaha Total iyo ENI.

Boloogyadan Qadar saamiga ka iibsadatay oo kala ah L11A, L11B iyo L12 ayaa ku yaalo sida la sheegay Lamu oo ah bariga Kenya, waxaa ay ku fadhisaa 15,000 square KM, xagga moolka waa 1,000-3,000 oo Mitiri.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo la xiriira arrimaha badda, iyadoo dhinaca kalana dowladda Qatar ay ka mid tahay dowladdaha gacan-saarka la leh dowladda Soomaaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]