4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Xisbiga Midowga Qaranka Soomaaliyeed ee Mid-Qaran oo la daahfuray


Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Xisbi siyaasadeedka Midowga Qaranka Soomaaliyeed ee Mid-Qaran ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daahfuray, kaaso ka mid noqonaya asxaabta siyaasadda ee dalka.

Xisbiga Mid-Qaran oo kulmiyay bulsho kala duwan oo Soomaaliyeed ayaa xafladiisa daahfurka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, wasiirro hore, siyaasiyiin , xubno ka socday xisbiyada siyaasadda ee dalka iyo qaybaha bulshada.

Xoghayaha xisbiga Mid-Qaran, Xasan Sheekh Axmed ayaa ugu horrayn munsaabadda ka sheegay ujeedka xisbiga loo aas-aasay iyo mabaa'dida uu ku dhisan yahay xisbiga ayaa sheegay in xisbigan uu u taaganyahay qaran-nimadda dalka, cadaaladda, ku dhisan in lala dagaallamo qabyaaladda. Wuxuu inta ku daray in xisbigan haddii uu ku guuleysto talada dal inuu soo dhiso doono xukuumad tayo leh oo ka shaqeynaysa soo celinta midnimada qaranka.

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka, wasiirro hore iyo xubnaha matalayay asxaabta siyaasadda ee dalka ayaa boggaadiyay daahfurka xisbiga ,iyaga oo marka ugu baaqay inuu xisbiga ka dhabeeyo midnimada iyo midowga asxaabta siyaasadda ee dalka.

Guddoomiyaha xisbiga Mid-Qaran Dr Cabdi Nuur Sheekh Maxamed, ayaa intaa kaddib xafladda daahfurka ka jeediyay khudbad uu ku dheeraday marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray iyo dhismaha xisbiga Mid-Qaran , wuxuu tilmaamay inay muddo dheer ka soo shaqeynayeen dhismaha xisbigan, isagoo marka u mahadceliyay dhammaan shaqsiyaadkii lahaa rag iyo dumar ee ka qeybqaatay dhismaha xisbiga.

"Xisbigu wuxuu ka mid yahay asxaabta Soomaaliyeed, waa Alla mahadii haddii aan maanta ka hadleyno in asxaab la sameeyo oo looga gudbo barnaamijkii la soo maray...xisbiga midowga qaranka Soomaaliyeed wuxuu isku dayaya inuu umadda Soomaaliyeed u horseedo nidaam ka duwan nidaamyadii hore ee jiray." ayuu yiri Dr Cabdi Nuur.

Dr Cabdi Nuur, ayaa inta ku daray xisbiga inuu ku dhisanyahay in la isku keeno bulshada qaybaheeda kala duwan ee Soomaaliyeed, si dhab ah looga shaqeeyo amniga iyo horumarka , isagoo marka sheegay in waxa ugu weyn iyo tallaabooyinka ugu horreeya ee ay qaadayaan inay tahay in la helo caddaalad waafi ah oo hufan, taas oo uu ku sheegay baahida ugu weyn ee dalka ka taaganan inay tahay.

Gabagabadii, Guddoomiyaha xisbiga Mid-Qaran Dr Cabdi Nuur Sheekh Maxamed ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo dowladnimada iyo sidii horey loogu sii wadi lahaa, wuxuuna ballanqaaday xisbiga inuu dagaal muuqda la gali doono musuqmaasuqa.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]