3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2019
Dagaal culus oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus qeybo ka mid ah gobolka ku dhaxmareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Sida Goobjoogayaal ku sugan gobolka Shabeellaha hoose warbaahinta u sheegeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar u qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaale ee dulleedka degmada Marka, waxaana halkaa ka qarxay dagaal leysku adeegsaday hub noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Ceel Saliini oo u dhow deeganka  lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qadeen fariisimo ciidamada dowladda ay halkaa ku lahaayeen.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalladaa xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, balse waxaa la rumeysan yahay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaannada ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada dhaxmara ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo iyagu maamula qeybo ka mid ah gobolka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
  
  













Click here
7/24/2019 5:10 PM EST
Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) - Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddiga gurmadka ee weerarkii galinkii dambe ee Arbacada maanta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne.

7/24/2019 1:33 PM EST
Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka hadashay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay gudaha xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

7/24/2019 12:55 PM EST
Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) -Saraakiil ka tirsan dowladda Hoose ee Xamar ayaa warbaahinta uga waramay khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar xili uu halkaa ka socday shir Amiga ku saabsan oo ay lahayeen guddoomiyayaasha degmooyinka iyo guddoomiyaha gobolka Eng Cabdiraxmaan Yariisoow.

7/24/2019 11:30 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019, (HOL)-Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan weerarka Ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose ee Xamar gaar ahaan goob uu ka socday shir looga hadlayay Amniga.

7/24/2019 10:59 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019, (HOL) Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac culus uu ka soo gaaray guddoomiyaha maamulka gobolka Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

7/24/2019 10:13 AM EST
Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)- Qarax ayaa ka dhacay goor dhow dhismaha xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida waxaa sheegay goobjoogayaal.

7/24/2019 9:40 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro iyo Haween mid ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa taageeray shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan socdaalka Ra'iisal wasaaraha ee deegaannadaas.

7/24/2019 9:28 AM EST
Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya,Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa tababar u soo xirayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidammada ee TurkSom.

7/24/2019 9:15 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Afar xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa xabsiga loo taxaabay loona soo dhaadhiciyey magaaladda Hargeysa

7/24/2019 9:08 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu qaadacay liiska Odayaasha dhaqanka Jubbaland ee soo xuliya xildhibannada Baarlamaanka

7/24/2019 6:24 AM EST
Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)- Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay la shaqeyn doonto cid kasta oo baaritaan ku sameyneysa warbixintii lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Marekanka.

7/24/2019 6:00 AM EST
Arbaco,July, 24, 2019 (HOL)-Shirkada Qatar Petroleum oo dowlada maamusho ayaa shaacisay in heshiis la gashay shirkadaha ENI iyo Total, si ay saammi 25% ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha dalka Kenya.

7/24/2019 4:44 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Hotelka Shareton, ee Magaalada Toronto ee Dalka Canada, waxa Shir Ja'raaid ku qabtay mid kamida Beelah Somaliyeed ee degaanka Galmudug, Beeshani ayaa ka kala yimid dalalka, Ireland Sweden, Finland, USA iyo Dalka Canada wada tashi dheer oo ay beshasi yesheen kadib, waxa aay soo Sareen Baaq ka kooban 3 qodob oo kala ah:-

7/24/2019 4:05 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)- Xisbi siyaasadeedka Midowga Qaranka Soomaaliyeed ee Mid-Qaran ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daahfuray, kaaso ka mid noqonaya asxaabta siyaasadda ee dalka.

7/24/2019 1:21 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Xisbiga Conservativeka ayaa Talaadadii shalay u doortay in Boris Johson uu noqdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May. Arrintan ayaa waddada u sii xaareysa inuu Arbaca maanta ah marti qaad ka helo boqortaayada si loogu magacaabo RW-ha cusub ee Britain.

7/24/2019 1:08 AM EST
Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka.