4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2019
Boris Johson oo Arbacada Maanta ah tagaya Aqalka Boqortooyada si loogu magacaabo RW cusub ee Britain

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Xisbiga Conservativeka ayaa Talaadadii shalay u doortay in Boris Johson uu noqdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May. Arrintan ayaa waddada u sii xaareysa inuu Arbaca maanta ah marti qaad ka helo boqortaayada si loogu magacaabo RW-ha cusub ee Britain.

Ninkan oo ah suxufi hore, marna soo noqda duqa magaalada London ayaa noloshiisa dhamaanteed ku taamayey xilkan uu hadda qabtay, hase yeeshee, ay shaqo aad u adagi hortaallo.

Siyaasiyiin uu hormuud u yahay Ninka lagu magacaabo Philip Hammond ayaa caddeeyey in haddii uu isku dayo  in Britain uu heshiis la’aan kaga saaro M. Yurub, ay codkooda ku biirin  doonaan xisibiyada mucaaradka ah si ay xukuumaddiisa u ridaan, arrintaas  oo keenaysa doorasho xiligeedii laga soo hor mariyey, taas oo ay u  egtahay in xisbiga conservative-ku aanu ku guulaysan doonin. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]