4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 24, 2019
Dowladda oo ku dhawaaqday natiijada Imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka

 

Arbaco, July, 24, 2019 (HOL)-Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa  shaacisay natiijada imtixaanaadkii Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada SoomaaliyaCabdullaahi Goodax Barre ayaa akhriyey Tirada Ardeyda gudubtay, gaar ahaan 10- Ardey ee gallay kaalimaha ugu horeeya.

Wasiirka ayaa sheegay in Ardayda  10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin  doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay  doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay  Ardaydu si fudud uga heli  karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba  natiijadiisa.

Hoos ka Akhriso magacyada 10ka Ardey ee ugu dhibcaha badan Natiijadda lagu dhawaaqay:

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]