4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Afgaanistaan oo Soomaaliya usoo dhoofisay qalab caafimaad

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Afgaanistaan waxay Soomaaliya usoo dhoofisay qalabka daaweynta  iyo wax-soo-saarka dhinaca nadaafadda, markii ugu horreysay, sida lagu baahiyay Wadsam news.

Madaxa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee  gobalka Heart ee galbeedka dalkaasi, Xamiidullaahi Khadiim ayaa sheegay in 25 nooc oo qalabka daawaynta oo ay farsamaysay warshadda Asia Pharma loo diray Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in xamuulka koowaad oo ka kooban  3 kunteenar ah oo midkiiba culayskiisu dhan yahay 30 tan, oo ay ku jiraan 25 nooc oo qalabka daaweynta ah,isagoo inta ku daray in qeyb ka mid ah shixnadahaasi ay mar hore gaareen Soomaaliya, halka labada kale la soo marsiin doono Turkiga.

Afar shirkaddo qalab caafimaad ayaa ka shaqeeya magaalada Herat iyadoo lix kalena la aasaasay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]