4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 23, 2019
Puntland oo sii deysay xubnihii xirnaa ee guddiga dib u dhiska waddada bartamaha Boosaaso

Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Maxkamadda Boosaaso ayaa xorriyadooda dib ugu soo celisay afar qof oo uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada bartamaha ee Boosaaso Sheekh Maxamed Macalin oo lagu xiray saldhigga bartamaha ee Boosaaso.

Xubnaha dib xorriyadooda u helay oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan howlaha dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Guddigan ayaa muddo shan cisho u xirnaa khilaaf ka dhashay lacag $150,000 ah oo ay dowladda Federaalka si toos ah u gaarsiisay guddiga, arrintaa oo ka careysiisay Puntland, balse maxkamadda Boosaaso ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayay xubnaha guddiga dhismaha waddada Boosaaso.

Maxkamadda ayaa sidoo kalle go’aamisay lacagta keentay in lasoo xiro ee ka timid dowladda faderaalka inay dowladda ay maamusho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]