4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Wasiir Cawad oo ka hadlay mowqifka dowladda Federaalka ee warbixinta lagu daabacay New York Times

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-  Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar isaga fogeysay warbixin lagu baahiyay wargeyska ka soo baxa Marekanka ee New York Times .

Cawad oo wareysi siiyay idaacadda codka Marekanka ee VOA-da , wuxuu caddeeyay in xukuumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in aysan waxba ka jirin warbixintaasi.

Wargeyska wuxuu sheegay in dowladda Qatar ay wax ka ogtahay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso Bishii May, iyada oo warbixinta ay intaas ku dartay in dalkaasi Carbeed uu tallaabadaasi u qaaday si uu u curyaamiyo danaha dowladda Imaaraadka Carabta, maaddama shirkad dalkaas laga leeyahay ay maamusho dekedda Boosaaso.

Dowladda Qatar ayaa dhankeeda iska fogeysay isha laga soo xigtay xogta oo lagu sheegay ganacsade ku dhow Amiir Qatar oo cod ka duubay safiirka Qatar u fadhiya Muqdisho oo arrintaasi ka hadlaya.

"Safiirka Qatar oo xafiiska iigu yimid wuxuu ii caddeeyay in uusan la hadlin qofkaasi, kana hadlin kana shaqeynin arrintaasii." ayuu yiri wasiir Cawad oo inta raaciyay "Warsaxaafadeedka ay noosoo direen waxay ku sheegeen in aysan ku lug lahayn dibin daabo ka dhan ah Soomaaliya, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo nabadda Dalkeenna."

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale ka gaabsaday baaq uu u diray madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka oo marka uu ka codsaday in ay baaritaan ku sameeyaan xaqiiqda warkaasi.

"Deni wuxuu ka hadlay Puntland, anna waxaan ku sheegayaa mowqifka xukuumadda Federaalka iyo wasaaradda arrimaha dibadda oo ah in aan ku qanacnay in Qatar aysan ka shaqeyn karin waxaasi iyo wax la mid ah." ayuu ku celiyay wasiir Cawad.

Arrintan ayaa ku soo aadday xilli muddooyinkii dambe ay soo baxayeen inuu kordhay loolanka dalalka khaliijka ay ugu jiraan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen dalka ku yaalla bariga Afrika ee Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]