3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-  Guddi ay dhowaan dowladda Federaalka u magacowday qaban qaabada shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta soo bandhigay xilliga uu shirka furmayo iyo ergada ka qeybgalaysa.

Guddiga ayaa sheegay in shirka la qaban doono 5ta bisha Agoosto, 2019-ka ayna ka qeyb-galayaan 356 Ergo oo dhammaan matalaya Beelaha Galmudug.

Waxaa ay taageero waydiisteen guddiga dowladda federaalka iyo beesha caalamka oo furitaanka shirka lagu casuumay, iyada oo qoraal uu baahiyay guddiga lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka inay diyaarisay dhammaan tas-hiilaadka shirweynaha iyo ergadu u baahanyihiin.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed guddiga uu baahiyay;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/23/2019 3:13 PM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Afgaanistaan waxay Soomaaliya usoo dhoofisay qalabka daaweynta iyo wax-soo-saarka dhinaca nadaafadda, markii ugu horreysay, sida lagu baahiyay Wadsam news.

7/23/2019 2:46 PM EST
Isniin, July, 22, 2019 (HOL)- Maxkamadda Boosaaso ayaa xorriyadooda dib ugu soo celisay afar qof oo uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada bartamaha ee Boosaaso Sheekh Maxamed Macalin oo lagu xiray saldhigga bartamaha ee Boosaaso.

7/23/2019 1:58 PM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar isaga fogeysay warbixin lagu baahiyay wargeyska ka soo baxa Marekanka ee New York Times .

7/23/2019 12:08 PM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Boris Johnson oo ku guuleystay jagada Ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska.

7/23/2019 11:56 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Kulanka oo ay ka qeybgaleen xildhibaannada haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu baaqay in la ilaaliyo Qoontada Haweenka ee guud ahaanba Golayaasha dowladda.

7/23/2019 11:04 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-10 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay la socdeen dad rayid ah meel u dhow magaalada Afgooye.

7/23/2019 10:48 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka.

7/23/2019 10:02 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Conservative ee dalka UK isagoo noqonayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

7/23/2019 9:25 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Tan iyo intii wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa isa soo tarayay degmooyinka ka cabanaya in aan dalacsiin oo halkii ay waligood joogeen uun lagu daayey.

7/23/2019 9:13 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Kalfadhi uu maanta yeeshay Golaha Baarlamaanka ee Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu doortay Ku xigeenka Duqa Ismaamulka magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Axmed Buux.

7/23/2019 9:07 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa lagu beeniyay warbixin lagu daabacay Wargeyska New York Times oo lagu sheegay in ay dowladda Qatar ka danbeysay Qaraxyo iyo Weerarro ka dhacay magaalada magaalada Boosaaso

7/23/2019 5:53 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta uu halkaa dagaal ku dhaxmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

7/23/2019 5:15 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay baaritaan lagu sameeyo waxa ka runta ah warbixin uu baahiyay wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Marekanka.

7/23/2019 4:52 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar qarax ah oo galinkii hore ee Isniintii shalay ka dhacay koontaroolka koowaad ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

7/23/2019 4:18 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayay inay ka dhacaan Galmudug, wixii ka dambeeyay 4-ta July ee bishan oo ku ekeyd muddo xileedkii Maamulka ee soo bilowday sanadkii 2015, xilligaasoo si rasmi ah Cadaado lagu dhisay Maamulka Galmudug.

7/23/2019 3:49 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa galinkii dambe ee Isniintii shalay guddoomiyay shir dhex maray Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo qaar kamid ah safiirrada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ee shalay Magaalada Dhuusamareeb.

7/23/2019 2:05 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Istaraatijiyadda Mareykanka ee ku wajahan Iran ayaa u muuqata mid jahwareersan, iyadoo ay u muuqato in Washington ay ka sii yaraanayaan doorashooyinkeeda ku aaddan inay ka fogaaato isku dhacyo.

7/23/2019 1:18 AM EST
Talaado, July, 23, 2019 (HOL) -Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir gudoomiyay guddoomiyaasha golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.