4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Afgooye : 10 ruux oo rayid ah oo ku dhimatay qarax lala eegtay gaar ay saarnaayeen

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-10 qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo maanta lala beegsaday baabuur ay la socdeen dad rayid ah meel u dhow magaalada Afgooye.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa baabuurka, darawalkii iyo kirishboygii ay wada dhinteen oo aysan cidna ka bad-baadin.

Gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellada Hoose Cabdifataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay in gaarigan uu siday sida uu hadalka u dhigay caano, islamarkaana lala eegtay miino dhulka la galiyay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid shegatay mas'uuliyada qaraxan, hasse ahaatee maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku eedeeyay in ay dhigeen miinada Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]