4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Oo Beydhabo Ka Furay Madasha Arrimaha Bini’aadninimada Dalka


Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa furay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furitaanka madasha ka sheegay in ay muhiim tahay in maskaxda ay shiilaan ka qayb galayaasha madasha, ayna fikirkooda isu geeyaan kana soo saaraan natiijo wax ku ool ah oo ka qayb qaadaneysa hagaajinta xaaladda bini’aadninimo ee dalka.

Waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo looga hadlayo xaaladda bini’aadninimo ee dalka iyo qorshaha lagu horumarinayo mashaariicda dhanka bini’aadninimada.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda furitaanka Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay ka qayb gelayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda, mas’uuliyiin ka socota dowlad gobaleedyada dalka iyo deeq bixiyaasha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]