4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Boris Johnson oo noqday ra'iisal wasaaraha dalka Britain

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha  xisbiga Conservative ee dalka UK isagoo noqonayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

Ra'iisal wasaaraha cusub oo horay u soo noqday Duqa London ayaa ka guuleystey wasiirka arrimaha dibadda Britain jeremy Hunt. Waxana lagu wadaa in berri oo  Arboco ah loo dhaariyo xilkaas kadib markii ay xafiiska baneyso  Theresa  May.

Khudbad uu jeediyay markii lagu dhowaaqay inuu guuleystey ayuu Johnson ku sheegay in uu mideynayo wadanka uuna si degdeg ah uga saarayo Midowga Yurub kana guuleysanayo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Doorashadan loo doortay Boris Johnson in uu noqdo ra'iisal wasaaraha Britain ayaa ragtiyo kala duwan durbaba laga dhiibtay, waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah  Wasiirradda Dowlada Britain  sheegeen in ay iska casilayaan xilalka ay hayaan kaddib doorashada ninka  aadka ugu ololeeya ka bixida Britain ee Midowga Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]