4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Wajaale oo ka cabaneysa in aan lagu soo darin degmooyinka darajooyinka la siiyay

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Tan iyo intii wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Somaliland waxa isa soo tarayay degmooyinka ka cabanaya in aan dalacsiin oo halkii ay waligood joogeen uun lagu daayey.

Inta badan degmooyinka Somaliland ayaa u badan darajooyinka C-d, kuwaas oo doonaya in loo dalacsiiyo B, halka kuwo B-da ahina doonayaan in laga dhigo ( A ), halka qaarkood doonayeen in gobol gaar ah laga dhigo maadaama oo dakhli badan soo xareeyaan.

Degmooyinka cabanayey waxa ka mid ah degmada Caynaba iyo degmada Gabiley oo gobol doonaysay iyo degmada Wajaale oo in kor loo qaado darajadooda doonaysay, maadaama oo suuqa ugu weyn Somaliland ku yaallo.

Sidaas darteed, Magaalada Tog-Wajaale waxay ka cabanaysaa in aan lagu soo darin degmooyinka darajooyinka la siiyey, taas oo ay u arkeen inay xaqireen baarlamaanka iyo xukukuumaduba, Wajaale waxa degmo u magacaabay madaxweyne Siilnaayo, haseyeeshee wax darajo ah malaha, oo laguma soo darin xeerkii maamulka gobolada iyo degmooyinka, taas macnaheedu degmadii waa lagala noqday ayey noqonaysaa.

Magaalada Wajaale hantida taalla meel Somaliland ah oo ay taalla ma jirto marka laga reebo Hargeysa oo caasimadii ah, meel ka dhul qaalisan ma jirto waayo waa goob ganacsi, magaaladdu gabigeeduba waa suuq waana dhuuntii Itoobiya loo marayo ganacsiga, waxaana looyaqaan dekada Qalalan.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya dadka looga soo diro lacagta qurbaha waxaa ay ka sariftaan wajaaladda Somaliland waayo way uga qiimo roon tahay ta ay ka sariftaan Itoobiya dhexdeeda, waxaanay Wajaale uga dhigan tahay sida magaalo dhexdeeda baska loo kala raaco waayo jigjiga iyo Wajaale waxay isku jiraan 70km waxaana loo kala socdaa afartan minute, Bus-ka u kala gooshaa JIgjiga iyo Wajaale waxa lagu raacaa 50 bir ah una dhiganta hal dollar, taas baa keentay in Wajaale noqoto xaafad ka mid ah Jigjiga oo daqiiqadii walba ay Bus-na ka sii baxayaan Busna soo galayaan. 

Waa magaaladda kaliya ee shantii Soomaaliyeed u dhantahay oo cid waliba ganacsi ku leedahay, waxaana lagu naanaysaa Soomaali weyn, guddida ganacsitadda waxay u badan yihiin dad aan ahayn dadkii magaalada lahaa, waa magaalo dimuqraadi ah oo cid waliba ka shaqaysan karto kana ganacsan karto.

Intii aanay dawladdu u samayn Town plane-ka suuqadeedu meel kaliya ayuu ku koobnaa imikase wadooyinkii laga dhex saaray dhinac walba way u fuday, xukumadda Muuse Biixi ayaa dhowan qorshaysay oo wadooyin waaweyn u samaysay, siday qorsheynta magaaladu u qaaliyeysay dhulkii, waxa tusaale inoogu filan arrintan, Muwaadin baa inta aan la qorsheyn jago ka iibsaday waxa uu siistay 45,000 dollar, markii dib loo qorsheeyey magaaladii ee wadooyin waaweyn laga dhex saaray ninkii dhulka iibsaday wuxuu dhulkiisii u noqday mid laba waddo midba dhinac ka maraan oo dhulkiisii bay wadooyinkii u qaali gareeyeen, waxa uu dhowaan siiyey dhulkii 160,000 dollar wuxuu ka faa’iiday billo kooban (115,000 dollar), ma jirto meel Somaliland ka mid ah oo dhulkeedu qiimahaasi leeg yahay.

Magaalada sidaas ahi godob baa laga gallay oo xeerkii maalintii dhowaa wax darajo ah laguma soo darin, waana meelaha dakhliga ugu badan ka soo gallo xukuumada dhexe.

Magaaladda Wajaale waxay si weyn uga soo horjeesteen xeerkii wax ka bedelka lagu sameeyey ee degmadooda laga reebay, isla markaana aan la siin wax darajo ah, taas oo ay u arkaan in la xaqirey, maadaama oo degmooyin badan ka wax soo saar badan yihiin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.