4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Axmed Buux oo loo magacaabay ku xigeenka Duqa Magaalada Diridhabe

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Kalfadhi uu maanta yeeshay Golaha Baarlamaanka ee Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu doortay Ku xigeenka Duqa Ismaamulka  magaalada Diridhabe oo lagu magacaabo Axmed Buux.

Jagadan ayaa waxaa hayay Mahdi Giire oo ahaa ninkii Nabadgalyada iyo Xasiloonida keenay magaalada islamarkaana dadka wada dega magaalada Diridhabe ay aad u jeclaayeen.

Mahdi Giire ayaa Waraaqda is casilaadda isagu u gudbistay Baarlamaan magaalada Diridhabe sidaana ay kaga aqbaleen.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay is casilaadda Mahdi Giire ayaa ka dambaysay kaddib culays kaga yimid dhanka Xukuumadda DDS oo lagu qiimeeyay Mahdi Giire, balse lama oga waxa loo cuskaday qiimaynta ee keenay inuu xilka iskaga dago duqu.

Dadka deggan magaalada Diridhabe ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay badalida Mahdi Giire oo ahaa Ku xigeenka duqa magaalada Diridhabe.

Ku xigeenka duqa magaalada Diridhabe ee maanta la magacaabay Axmed Buux ayaa sii hayn doona xilkaas ilaa doorashada laga gaadhayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]