4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Dowladda Qatar oo beenisay in ay ka danbeysay Weerarro ka dhacay magaalada Boosaaso

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa lagu beeniyay warbixin lagu daabacay Wargeyska New York Times oo lagu sheegay in ay dowladda Qatar ka danbeysay Qaraxyo iyo Weerarro ka dhacay magaalada magaalada Boosaaso

Qatar ayaa sheegtay in marnaba qorshaheeda Soomaaliya aheyn in ay fara-galiso arrimaha gudaha, hasse ahaatee badalkeeda ku dadaalayaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen hormarka iyo  siyaasad abuureysa jawi xasilooni.

“Dowlada Qadar ma farageliso arrimaha gudaha ee wadamada kale,ciddii  ku kacaysa fal arrinkaas la xiriirana ma aha mid ka wakiil ah dowlada  Qatar.”ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay dowlada Qadar.

Wargeyska wuxuu warbixintiisa ku sheegay dowladda Qatar inay wax ka ogtahay weerar bishii May ka dhacay magaalada Dekedda leh ee Boosaaso, iyada oo abaabulka weerarka lagu doonayay in looga hor istaago Imaaraadka Carab joogitaankooda Boosaaso.

Warka ka soo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay tahay tan  doonaysa in ay ka faa’ideysato oo ay maamusho dalka Soomaaliya iyadoo  dhaqaale ku bixinaysa.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in ganacsadaha Khalifa al  muhannadi uusan ahayn lataliye dowlada Qatar,isla markaana uusan wakiil u  ahayn dalka Qatar.

“Waxaan ku sameyn doonaa baaritaano ninkan waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadaladii uu sheegay.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay run u qaadanayaan warka lagu daabacay Wargeysa New York Times, oo ah in ay ku dul dagaalamayaan dowladdo kale waxaana uu yiri'' Waxaan qirayaa inuu xaqiiqo yahay warka lagu daabacay New York Times ee looga hadlayay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso kuwaas oo la sheegay inay dowladdu nagu dul hardamayaan,golaha Shacabka iyo Aqalka sarre waxaan ka codsan inay baaritaan kusameeyaan arintaas." 

New York Times ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay dhageysteen sheeko dhaxmartay dhex martay ganacsade Qatari ah iyo safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

Ganacsadaha ayaa laga soo xigtay in sheegay in weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyeen maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.

Dowladda Qatar ayaa u muuqatay sanadihii ugu danbeeyayba mid siweyn gacan saar dhaw ula leh dowladda Soomaaliya, tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu xumaaday xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, waxaana jira mashaariic dhowr ah oo ay hadda dowladda Qatar gacanta ku heyso gudaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]