4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Al-shabaab iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku dagaalamay gobolka Gedo

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta uu halkaa dagaal ku dhaxmaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar Jid gal ah ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya oo ka yimid dhinaca deegaanka Yurkut oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-shabaab markii hore qarax la eegteen ciidamada Itoobiya, kaddibna uu halkaa ka bilaawday dagaal toos ah oo dhaxmaray labada dhinac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa lala eegtay mid ka mid ah  Gawaarida Ciidamada Itoobiya islamarkaana uu jiro  khasaaro ka dhashay,hayeeshee aysan jirin cid weli surasmi ah u  xaqiijisay.

 Gobolka Gedo waxaa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada tooska ah ee dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo Kenya iyo Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha hay'addaha Amaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya  ee gobolka Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]