4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Turkiga oo sheegay inuu garabtaaganyahay Soomaaliya kaddib weerarkii shalay

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)- Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerar qarax ah oo galinkii hore ee Isniintii shalay ka dhacay koontaroolka koowaad ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Dad ka badan toban ruux ayaa weerarka oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku geeriyooday, halka ku dhowaad 40 ruux ay ku dhaawacmeen.

"Waxaan Naxariista Allaah u rajeynaynaa kuwii naftooda ku waayey qaraxaasi iyo inay si degdeg ah u bogsadaan kuwii ku dhaawacmay." ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay tacsi saaxiibtinimo iyo mid walaaltinimo u dirayaan dowladda Federalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]