4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Dowladda oo ka hadashay dib u dhaca doorashada Galmudug

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay  dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii la filayay inay ka dhacaan Galmudug, wixii ka dambeeyay 4-ta July ee bishan oo ku ekeyd muddo xileedkii Maamulka ee soo bilowday sanadkii 2015.

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashada iyo caqabadaha wali ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Isaga ugu horeyn ka hadlayay safarka ra'iisal wasaare Kheyre ayuu yiri “Ra’iisul Wasaaraha muddo ayuu joogaa, dadaal badan waa sameeyay, wuxuu arkay dhaqankii, dadkii iyo culimadii, meel walbana waa tagay degmo iyo tuulo, waxaa uu ku guuleystay in deegaanka iyo maamulka la isku soo dhoweeyo, horayna loo socdo”ayuu yiri Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan arrimo la go'aasaday in wax laga qabto kuwaa oo hadda howshooda lagu guda-jiro, waxaana ka mid ah ayuu yiri arinta ciidamada la qarameeyay ee  Ahlusuna , amniga magaalada Dhuusamareeb iyo, dib u heshiisiinta iyo  arrinta doorashooyinka .

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca doorashada  ayuu sheegay in dadka la isku soo  dhoweeynayo, isla markaana dhibaatada jirtay, khilaaf iyo waqtiga oo  dhamaaday ay dowladdu go’aansatay in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa muddo bil ku dhow ku sugan Galmudug, isagoo ku guda jira dadaalada lagu dhisayo Maamulka Galmudug oo weli ay caqabado ka jiraan, kaddib markii qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ay salluugeen qaabka Ra’iisul wasaaraha wax u wado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]