4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Madaxweyne Trump oo sheegay sida lagu xalin karo Arrinta Iiraan

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL) - Istaraatijiyadda Mareykanka ee ku wajahan Iran ayaa u muuqata mid jahwareersan, iyadoo ay u muuqato in Washington ay ka sii yaraanayaan doorashooyinkeeda ku aaddan in ay ka fogaaato isku dhacyo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegey in labada doorasho ee kala ah dagaal ama wada-hadal, ay suuragal tahay in mid kaste uu dhici karo.

Mar la weydiiyay Isniintii meesha uu Mareykanka u jiheysanaayo, wada hadal ama dagaal, ayuu Trump ku jawaabay, in ay caadi la tahay haddii mid ka mid ah uu dhaco.

Trump ayaa cuna qabateyn saaray dalka Iran, isagoo dhowr jeerna ugu baaqay inay miiska wada hadalka soo fariistaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]