4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 23, 2019
Guddiyada joogtada ah ee Labada Aqal Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo xalay kulmay

 

Talaado, July, 23, 2019 (HOL) -Kulan wadajir ah ayaa xalay waxaa ay magaaladda Muqdisho ku yeesheen Gudiyadda joogtadda ah ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaana kulankaasi si wada jir ah u shir gudoomiyay guddoomiyaasha golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Sidoo kale madasha waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenada labada Guddoomiye Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Abshir Bukhaari,waxaana kulanka uu ku saabsanaa xoojinta iyo wada Shaqeynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Dhawaan ayeey aheyd markii la xaliyay khilaaf siyaasadeedkii in muddo ahba u dhaxeeyay labada Aqal ee dowladda, waxaana kulakii xalay lagu balamay sameynta hal xeer hoosaad oo ay ku wada shaqeeyaan labada Baarlamaan iyo xoojinta wadashaqeynta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]