4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya oo la arkay

Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Kooxda isku magacowda dowladda islaamka ee Daacish ayaa baahisay muuqaal cusub oo uu ka soo muuqday ninka hoggaamiya faraca Soomaaliya iyo dagaallamayaal.

Lama ogga xilliga iyo goorta la duubay, waxaase lagu dhex arkay Cabdiqaadir Muumin, oo markaa jeedinaya hadallo uu ku boggaadinayo dagaallamayaasha kooxda.

Waxyaabaha uu u sheegayo ayaa waxaa ka mid ah inay duulqaad dheer u muujiyaan weerarrada uga imaanaya xooggaga dowladda iyo weerarrada cirka ee Marekanka uu ka fuliyo goobaha ay kooxdan ku dhuumaleysato.

Muuqaalkan cusub ayuu mar kale Cabdiqaadir Muumin ugu muujiyay ballanqaad cusub hoggaamiyaha Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi - waxaa kalo uu sheegay in dagaallamayaashiisa ay ka kala yimaadeen magaalooyin kala duwan oo caalamka ah.

Cabdiqaadir Muumin ayaa dhowr jeer oo hore la sheegay inuu ka badbaaday duqeymo bilo ka hor ka dhacay dhulka buuraleyda ah, hase ahaatee waxaa lagu dilay ku-xigeenkiisa,iyada oo muuqaalka cusub uu muujinayay in lagu duubay deegaan buuralay ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]