4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Puntland oo dowladda federaalka usoo jeedisay eedeymo culus

Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Puntland ayaa eedeymo culus usoo jeedisay dowladda federaalka,iyada oo warsaxaafadeed maamulka ka soo baxay lagu sheegay inay ka wal walsanyihiin hab dhaqanka madaxda dowladda federaalka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hab-dhaqanka madaxda dowladda uu curyaaminayo dowladnimo dalka ka hirgasha.

"Madaxda dowladda Federaalka waxay si joogta ah uga howlan yihiin burburinta dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, qaadista ficilo iska horkeenaya shacabka Soomaaliyeed, waxna u dhimanaya midnimadooda." ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa inta ku daray " Madaxda xukuumadda federaalku waxay hareermareen hab qaybsiga deeqaha caalamku ku bixiyaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhismaha dowladnimo, ayagoo si bareer ah ugu adeegsada qoonsada deeqaha inay ku burbutiyaan maamullada, dalkana kaga abuuraan xasillooni darro si ay u gaaraan dano gaaban oo ku aaddan doorashooyinka 2020-2021."

Puntland waxaa ay dowladda federaalka ugu baaqday inay si deg deg ah u joojiyaan wax lagu sheegay 'farogalinta qaawan ee ay ku hayaan geeddi socodka doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland iyo waliba falalka xasilooni darrada abuuraya '.

Warsaxaafadeedkan ayaa qeyb ka noqonaya qoraallo iyo hadallo is xig xigay oo ay Puntland ku dhaliilaysay dowladda federaalka, mana jiro ilaa hadda warbixin ka soo baxday dowladda federaalka oo looga hadlay eedeymaha uga imaanaya Puntland.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka Puntland;




Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]