4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Isku soo bax iyo Buuq ka dhashay wax ka bedel lagu sameeyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka Somaliland

 

Axad, July, 21, 2019 (HOL)-Mudaharaad ayaa saaka ka dhacay magaalada Caynaba ka dib markii shalay golaha Wakiiladdu u ansixiyeen inay noqoto darajadda C, halka ay doonayeen in laga dhigo darajadda (B) oo uu madaxweynuhu u balanqaaday markii uu ololaha ku jiray in uu hal darajo kor u qaadayo.

Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabis lagu sameeyey xeerka degmooyinka iyo goboladda, waxaanay darajooyinka (A) u aqoonsadeen degmooyinka kala ah, Hargeysa, Burco, Laascaanood, Boorama, Berbera, Ceerigaabo Iyo Gabiley.

Sidoo kale, xildhibaanaddu waxay wax ka bedeleen tiradda golaha deegaanka ee degmooyinka oo Hargeysa oo markii hore ahayd 25 xildhibaan waxay ka dhigeeen 17 xildhibaan, Burco, laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Boorama iyo Gabiley oo ahayd 21 xildhibaan waxa laga dhigay 13 xildhibaan, halka degmooyinka B-da oo awal ahayd 17 laga dhigay 11 xildhibaan, C-da waxa laga dhigay 9 xildhibaan, halka D-da laga dhigay 7 xildhibaan.

Sidoo kale,waxa wax laga bedelay magaca loogu yeedhayo xubnaha golaha deegaanka oo loo bixiyey xubin gole deegaan halka ay markii hore ka ahayd xildhibaan deegaan, waxa kale oo wax laga bedelay tiradda lagu ridayo maayiradda oo laga dhigay hal dheeri halka markii hore ka ahayd saddex daloolow laba dalool ay xilka ka qaadi karayeen.

Darajooyinka laga dhigay degmooyinka oo aan waxba laga bedelin waxa saluug ka muujiyey degmooyin badan oo doonayey in la dallacsiiyey balse sideedii hore loo daayey, taasina waxay ahayd in degmada Caynabo saaka mudaharaad ku muujiso sida ay uga xun tahay in aan la dalacsiin.

Xildhibaanada degmada Caynabo kaga jira golaha Wakiilada ayaa ka soo horjeestay markii xeerkan la ansixinayey, waxaanay ku doodeen in madaxweynuhu waraaq uu ku qiimeeyey in la dalacsiiyo degmada Caynabo oo darajada B laga dhigo usoo qoray golaha wakiilada balse la iska dhigo tirey oo laga hor yimid, isla markaana sideedii hore ee darajada C-da lagu daayey, taas oo ay si cadho leh uga hor yimaadeen.

Mudaharaadkan saaka ka dhacay Caynabo ayaa ka duwanaa mudaharaadyadii awal ka dhici jirey magaalooyinka, waxaanay u dareenkooda u muujiyeen si ilbaxnimo ku jirto, kuwaas oo laamiyadii awal taayirada lagu gubi jirey ka daayeen oo laamida dhinaceeda lagu gubay taayiro iyagoo ka ilaalinaya inay laamadu burburto, taas oo dadweynihii reer Somaliland si weyn u hadal hayeen sida ay u ilaaliyeen laamida iyo dantoodii guud.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.