4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka oo la magacaabay

 

Axad, July, 21, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi Ku-meel gaar ah, si ay soo diyaariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaran.

Guddigan uu magacaabay guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa ka kooban 15 xubnood oo ah Xildhibaano, waxaana howshooda  noqon doontaa hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka ee ay  soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, si uu u noqdo mid dhammaan bulshada ay  raalli ku tahay.

Waxaa jiray khilaaf ka dhashay sharcigii  Doorashooyinka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada bishii May, Balse tallaabada Guddoomiye  Mursal ku magacaabay Guddigan ayaa ah mid awooddiisa ku muujinayo, ugana  hortagayo in sharciga si dhaqse looga meel mariyo Baarlamaanka.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]