3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2019
Dowladda oo xirtay qaar ka mid ah jidadka soo gala magaalada Muqdisho

 

Axad, July, 21, 2019 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay qaar ka mid ah jidadka soo gala magaalada Muqdisho, gaar ahaan Wadada ka timaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hay’addaha dowladda u qaabilsan Nabad-galyada ayaa xalay ilaa saakay ku howlahaa dhiggista Dhagxaan waaweyn oo lagu gooyay Wadada Laamiga ee Ex Koontarool, lama oga sababta loo xiray Wadadaas oo muhiim u ah isku socodka Muqdisho illaa degmada Afgooye.

Gaadiidka ayaa la sheegay in ay ku kala wareegayana xaruntii hore ee ciidanka Asluubta ee ku dhow Ex Koontarool Afgooye.

Dadka ku sugan Xaafadaha dhaca dhanka duleedka koofureed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in todobaadkii hore ay bilaabatay in la xiro waddooyinka mara xaafadaha ee loo yaqaano jid cadayaasha.

Waddada Ex-Koontrool Afgooye ayaa waxaa ay ka mid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Magalada Muqdisho, iyada oo ay soo maraan gaadiid Khudaar iyo Caano ka keena Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dowladda Soomaaliya ay xirtay wadooyin waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
 













Click here
7/21/2019 3:58 PM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Kooxda isku magacowda dowladda islaamka ee Daacish ayaa baahisay muuqaal cusub oo uu ka soo muuqday ninka hoggaamiya faraca Soomaaliya iyo dagaallamayaal.

7/21/2019 10:04 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa halay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u jooga dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza.

7/21/2019 9:53 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Golaha Aqalka sare ayaa maanta akhrinta labaad mariyay hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda.

7/21/2019 9:31 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan ayaa ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

7/21/2019 9:05 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta billowday dhismaha waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

7/21/2019 8:47 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)– Puntland ayaa eedeymo culus usoo jeedisay dowladda federaalka,iyada oo warsaxaafadeed maamulka ka soo baxay lagu sheegay inay ka wal walsanyihiin hab dhaqanka madaxda dowladda federaalka.

7/21/2019 8:03 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)-Mudaharaad ayaa saaka ka dhacay magaalada Caynaba ka dib markii shalay golaha Wakiiladdu u ansixiyeen inay noqoto darajadda C, halka ay doonayeen in laga dhigo darajadda (B) oo uu madaxweynuhu u balanqaaday markii uu ololaha ku jiray inuu hal darajo kor u qaadayo.

7/21/2019 5:01 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi Kumeel gaar ah, si ay soo diyaariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaran.

7/21/2019 1:20 AM EST
Axad, July, 21, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.