4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Puntland: Madaxweyne Farmaajo ma sii deyn karo dadka xiran

Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-  Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Cismaan ayaa sheegay inaysan jirin cid sii deyn karta rag la soo eedeyay oo xiran,isagoo marka ka hadlayay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in la sii daayo shaqsiyaad ku xiran magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu dambeeyay oo maanta sheegay inuu la xiriiray madaxweynaha Puntland kalana hadlay sidii shaqsiyaadka loo sii deyn lahaa.

"Dadka eedeysaneyaasha oo Garoowe iyo Boosaaso ku xiran madaxweynaha ma amrin in la soo xiro, waxaa loo soo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u deggan Puntland." ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo inta ku daray " Dadka hadda ka hadlaya muwaadiniin la soo xiray, ma aqaano ujeeddada ay leeyihiin, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa la soo edeyn jiray, waana la soo xiri jiray."

Xeer ilaaliyaha guud oo warbaahinta kula hadlayay Garoowe , waxa uu tilmaamay inuu kiisku taaganyahay ilaa eedeysaneyaasha lagu helo ama lagu waayo eedeymaha loo heysto inan la soo farogelin karin.

"Eedeynta shaqsiyaadkaasi labo meelood ku xirana waxaan rabnaa in aan miiska sharciga saarno.. haddii eedeynta ay noqoto maalgal ciqaabta uu sharcigo ogolyahay baan ku dhici doonta, haddii lagu waayo waxaa sii deyn doonta maxkamadda." ayuu yiri.

Dacwad oogaha Puntland ayaa gabagabadii sheegay in madaxweyne Deni iyo madaxweyne Farmaajo uusan midkoona sii deyn karin dadka xiran, cidda awoodda lehna ay tahay sharciga oo waxa uu ka qabo lugu qaadi doono eedeysaneyaasha, sida uu sheegay.

Hadalkan wuxuu ku soo beegmay iyada oo la xiray saddex xubnood oo ka tirsan guddiga dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso, waxaana xarigooda kaddib soo baxay baaqyo lagu dalbanayo in xoriyadooda dib loogu soo celiyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]