4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Deni: Ma aqbaleyno in la burburiyo nidaamkii Puntland

Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku celiyay eedeyn uu u jeediyay dowladda federaalka oo uu ku dhaliilay inay dhiirrigalinayso carqaladeynta Puntland.

Deni ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad lagu daahfuray mashruuc waxbarasho, wuxuu sheegay inaysan aqbali doonin in la burburiyo nidaamka Puntland.

"Waxaan u baahannahay in aan aad ugu fara’adaygno nidaamka aan halkaa ku gaarnay." ayuu yiri Siciid Deni.

Wuxuu sheegay inan loo baahneyn hannaanka ay doonayso dowladda federaalka inay isugu muujiso doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska iyo mashaariicda ka socda Puntland.

"Lacagtaasi Puntland dad kale uma aysan diri jirin, qabiilana uma aysan diri jirin, ee nidaamka dowliga ah bay ku diri jirtay ee wasaaradda Maaliyadda” ayuu yiri madaxweynaha isagoo sii raaciyay” waxaan aad uga xumahay in dowladda federaalku ay tiraahdo annagaa qeybi-nayna oo reer-reer baan ugu soo qoraynaa iyo magaalo-magaalo."

Gabagabadii, waxaa kalo uu sheegay inaysan aqbali doonin in la kiciyo dhallinyaro oo lagu dhiirrigaliyo ficilo wax u dhimaya jiritaanka Puntland.

Eedeyntan ayaa ku soo aaddaysa iyada oo dowladda federaalka ay si toos ah lacago u gaarsiisay guddiyo ku howlan dib u dhiska mashaariic ka socda magaalooyin ka tirsan Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]