4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo abaalmarin la guddoonsiiyay

 

Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar oo ka qayb galay maanta Xafladdii ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadda Baahirdhaar ee deegaanka Axmaarada ayaa waxaa laguddoonsiiyay Billad sharafeed.

Billad sharafeedan ayaa Madaxwayne Mustafe Cagjar lagu  siiyay maadaama uu deegaanka Soomaalida mudadii yarayd ee uu joogay wax  ka qabtay dhanka Nabadgalyada, Xuquuqul Insaanka iyo Xoriyatul qawlka oo  horey aan degaanka looga aqoon.

Isbadallada degaanka ka jira ayaa ah kuwo dadku ay aad ugu reeyeen, walaw halkii loo baahnaa uusan wali gaarin, balse la rajaynayo wakhtiyada soo socda in degaanka isbaddal buuxa lagu arki doono.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]