3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo kala hadlay Madaxweynaha Puntland sii deynta Xubnaha xiran ee Guddiga Dhismaha Waddada Boosaaso

Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Puntland in odayaashaas si shuruud la'aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii'da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/20/2019 4:54 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Cismaan ayaa sheegay inaysan jirin cid sii deyn karta rag la soo eedeyay oo xiran,isagoo marka ka hadlayay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in la sii daayo shaqsiyaad ku xiran magaalada Boosaaso.

7/20/2019 4:40 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku celiyay eedeyn uu u jeediyay dowladda federaalka oo uu ku dhaliilay inay dhiirrigalinayso carqaladeynta Puntland.

7/20/2019 1:34 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

7/20/2019 1:20 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

7/20/2019 9:33 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar oo ka qayb galay maanta Xafladdii ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadda Baahirdhaar ee Degaanka Axmaarada ayaa waxaa laguddoonsiiyay Billad sharafeed.

7/20/2019 4:31 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka eedeyay.

7/20/2019 4:00 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shaaca ka qaadday inuu qaatay warqada diiwaangalinta musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

7/20/2019 3:40 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Guddi sare oo ka socda ururka Midowga Afrika ayaa goor dhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

7/20/2019 2:46 AM EST
Sabti, July 20, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddida uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu magacabay aanay iyaga khuseyn, sidaas darteed aanu farogalinayn arrimaha dhexdoodda ah.

7/20/2019 1:34 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay fara-galin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland.