3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo dowladda federaalka ku eedeyay inay cunaqabateyn ku heyso Soomaaliland



Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-   Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee  Baarlamaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka eedeyay.

Xildhibaannada oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyiga ayaa dowladda federaalka ku eedeyay wax ay ku sheegeen inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Soomaaliland.

Waxaa kalo xildhibaannada ay cambaareeyeen heshiis ay sheegeen dowladda federaalka inay la gashay Sacuudiga.

"Culeys gaar ah ayaa saarnaa Soomaaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga  tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo." ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Soomaaliland laga joojiyay hay'adihii gargaarka gaarsiin jiray.

Gabagabadii, xildhibaannada ayaa beeniyay hadalkii ra'iisul wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda federaalka xiriir ay la sameysay Sacuudiga in lagu fasaxay markab xoolo sidey oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaysan wax lug ah ku lahayn.

Xildhibaannada ayaa eedeyay dowladda federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay guddiga dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada ee dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/20/2019 4:54 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamuud Xasan Cismaan ayaa sheegay inaysan jirin cid sii deyn karta rag la soo eedeyay oo xiran,isagoo marka ka hadlayay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayay in la sii daayo shaqsiyaad ku xiran magaalada Boosaaso.

7/20/2019 4:40 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku celiyay eedeyn uu u jeediyay dowladda federaalka oo uu ku dhaliilay inay dhiirrigalinayso carqaladeynta Puntland.

7/20/2019 1:34 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

7/20/2019 1:20 PM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki.

7/20/2019 9:33 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar oo ka qayb galay maanta Xafladdii ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadda Baahirdhaar ee Degaanka Axmaarada ayaa waxaa laguddoonsiiyay Billad sharafeed.

7/20/2019 7:49 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.

7/20/2019 4:00 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shaaca ka qaadday inuu qaatay warqada diiwaangalinta musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Jubbaland.

7/20/2019 3:40 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Guddi sare oo ka socda ururka Midowga Afrika ayaa goor dhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

7/20/2019 2:46 AM EST
Sabti, July 20, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddida uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu magacabay aanay iyaga khuseyn, sidaas darteed aanu farogalinayn arrimaha dhexdoodda ah.

7/20/2019 1:34 AM EST
Sabti, July, 20, 2019 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay fara-galin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland.