4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika iyo guddi sare oo uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray


Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Guddi sare oo ka socda ururka Midowga Afrika ayaa goor dhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga waxaa hoggaaminaya, madaxweynihii hore ee Koofur Afrika ,Thabu Mbeki , waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad iyo wasiirro kale oo xukuumadda ka tirsan.

Ujeeddada booqashada ay wafdigan ku soo gaareen magaalada Muqdisho wali ma cadda, balse wararka laga helayo ayaa sheegaya inay kullamo la qaadan doonaan madaxda sare ee dowladda federaalka.

Wafdigan ayaa shalay kullamo ku soo qaatay magaalada Nairobi, halkaa oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya  ayaa qoraal ay ku baahisay twitterka , waxaa lagu sheegay in Thabu Mbeki iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ka wada hadleen arrimaha nabadda, xasilloonida, is dhex galka iyo iskaashiga gobolka geeska Afrika, arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]