4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Madaxweyne Biixi oo sheegay in guddida Soomaaliya u magacowday wada hadalka aanu khuseyn


Sabti, July 20,  2019  (HOL) -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guddida uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu magacabay aanay iyaga khuseyn, sidaas darteed aanu farogalinayn arrimaha dhexdoodda ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka hayey uu dagaal dhaqaale ku soo qaaday, taas oo uu ku tilmaamay mid cadaawad ah.

Sidaas waxa uu ka sheegay casho-sharaf qasriga madaxtooyada uu xalay ugu sameeyey safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalinta ka furmi doonna Somaliland.

Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey martida ka soo qaybgashay bandhiga buugaagta Hargeysa waxa iyaguna hadalo ka soo jeediyey aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqaranka Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanba ka qayb-galayaasha carwada Buugaagta ee Hargeysa ay yihiin saaxiibbo gaar ah oo ay Somaliland leedahay, islamarkaana caalamka gaadhsiiyaan wanaagga iyo nabadda taalla Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo guddidasi wada hadalada uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya waxa uu yidhi “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

Waxaanu intaas ku daray “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha Somaliland ee la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,”

“Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”ayuu yidhi Biixi.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu farriin u diray axsaabta mucaaridka, waxanu sheegay in muddo gaaban ka hadhsan tahay wakhtigii doorashada loo iclaamiyey, waxaanu yidhi “Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammayno “

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.