4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 20, 2019
Odayaal ugu baaqay dowladda in aysan faragalin doorashada Jubbaland

 

Sabti, July, 20, 2019 (HOL)- Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay fara-galin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland.

Waxey sheegeen odayaasha in aysan aqbali doonin in dowladda Dhexe in ay caqabad ku noqoto horumarka iyo nabad-galiyadda ka jira degaanada maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale waxgaradkan ayaa soo dhaweeyay qaabka ay guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan.

Hadalka Odayaasha ayaa ku soo beegmaya xilli musharaxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland islamarkaana ay ku eedeeyeen in ay Afduubteen doorashadda maamulka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]