3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Shirka STEM oo Muqdisho lagu soo gabaga-beeyay


Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka STEM oo loo soo gaabiyay [Science, Technology, Engineering and Mathematics] kaa oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil heer caalami ah.

Qaban-qaabiyaha shirka Dr Sacidya Siyaad oo Hiiraan Online la hadashay ayaa sheegtay in shirkan uu noqonayo shirkii labaad oo la qabanayo mudo Labo sano ah gudahood, ujeedadana laga leeyahay-na tahay in la dhiir-galiyo wax-soo-saarka, hormarka, farsamooyinka iyo waxbarashada dhalinyarada, gaar ahaa kuwa ku nool dalka gudahiisa, iyadoo intaa ku dartay in shirka leysugu keenay xifadlayaan Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanno heer Jaamacadeed ah oo halkaa ku soo bandhigay Daraasado ay sameeyeen.

‘’Maalintii ugu horeysay shirka waxaan ku marti-qaadnay dhalinyarada xirfadlayaasha ah ee Soomaaliyeed, kuwaa oo halkaa ku soo bandhigay wax-qabadkooda iyo aqoonta ay leeyihiin, Annaga ma rabno in aan noqonno dad dibadaha uun ku tiirsan, laakiin waa in aan Annaga aqoonteena ka faa’ideysanaa oo wax soo saaranno’’ ayeey tiri Dr Sacdiyo Siyaad.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa amaanay shirka STEM oo dhiiri-galinaya kobcinta wax soo –saarka, xirfadaha, iyo waliba waxbarashada dhalinta , isaga oo sheegay in Wasaaradda Qorsheynta Shanta sano ee soo socta xoogga saari doonto sidii loo kobcin lahaa farsamada gacanta iyo in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo hal abuur leh.

‘’Waxaan runtii rabaa in aan halkan ka sheego in Wasaarradda Qorsheyntu taageersan tahay go’aankii Wasaaradda Waxbarashada ee ahaa in xoogga la saaro Wax-barashada farsamada gacanta Dugsiyada Sare, sidoo kale waxaan boggaadinayaa shirka STEM oo ku soo beegmay xili dunida looga dabaal-degayo Arrimaha xirfadaha’’ ayuu yiri Wasiirka.

Waxaa uu intaa ku daray in la helo dhalinyarro Soomaaliyeed oo leh xarfado sare looga maarmi karo dadka inta badan laga keeno dalka dibadiisa, waxaana uu intaa raaciyay in mudadii uu shirkan socday uu arkay gaar ahaan gabdho Soomaaliyeed oo hal abuur iyo xirfado sare leh.

Wasiirradda kale ee kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaarradd, Waxbarashada, iyo saraakiil kale oo ka soctay laamaha kale ee dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah oo dhamaantood boggaadiyay shirka STEM oo ay ku tilmaameen mid sare u qaadaya aqoonta iyo wax-soo –saarka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago shirka sidoo kale waxaa bar bar socday bandhigyo ay sameynayeen dhalinyarradii ka qeybgashay iyo xirfadlayaashii shirka lagu marti-qaaday kuwaa oo halkaa ku soo bandhigay aqoontood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 













Click here
7/19/2019 2:03 PM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Puntland ayaa goor dhow shaaca ka qaadday mowqifka uga aaddan guddi uu dhowaan magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wada-hadallada Soomaaliland.

7/19/2019 1:59 PM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Guddiga dib u heshiisiinta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

7/19/2019 11:03 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta gaaray Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada, Wafdiga Madaxwaynaha ayaa isugu jiray Odayaal dhaqameed, Ugaasyo iyo Wasiiro heer degaan ah.

7/19/2019 9:50 AM EST
Ciyaarahii Todaabdka Soomaalida ee Toronto ayaa wali si xiiso leh uga socdaa magaaladaas, iyadoo 14 kooxood ee ku tartamaayey ay shalay qaar ka mida ciyaareen wareegii labaad ee tartankaas.

7/19/2019 9:36 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ku duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaanka Kuunyo Baroow.

7/19/2019 6:33 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Iyadoo dhawaan la filayo in Jubbaland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya shaki musharixiinta qaarkood ka qabaan sida ay Kismaayo uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

7/19/2019 5:18 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ku simaha taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa garaadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

7/19/2019 12:45 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo markii ugu horeysay ka hadlay Markabka muranka badan dhaliyay ee ku xayirnaa Dekedda magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Markabkaasi hadda la fasaxay xoolahana laga dajinayo.