3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 19, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Markabkii xoolaha siday ee lagu xayiray Jidda

 

Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo markii ugu horeysay ka hadlay Markabka muranka badan dhaliyay ee ku xayirnaa Dekedda magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Markabkaasi hadda la fasaxay xoolahana laga dajinayo.

Markabkan oo ka shiraacday dekedda magaalada Bebera ee Somaliland oo sida ilaa Labaatan Kun oo Ari ah, ayaa ku xayirnaa dekedda magaalada Jidda laga soo bilaabo ilaa 11kii bishan July,

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in xiriirro badan oo ay sameeyeen ku ogadeen in Markabkan uusan sidan dukumiiniyadii looga baahnaa islamarkaana uusan buuxin sharuudihii ku xirnaa heshiisyadii ay horay u wada galeen labada dowladood Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Balse wuxuu sheegay in dadaal dheer oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu guuleystay in lagu qanciyo Boqortooyada Sacuudiga in ay fasaxaan Markabka lagana dajiyo xoolaha saaran.

‘’Waa Alle Mahadii waxaan idin cadeynayaa in hadda la bilaabay in Markabka laga dajiyo xoolaha saaran, waxaana naloo sheegay in dhakhatiir la saaray dusha Markabka si ay u hubiyaan caafimaadka xoolaha ayuu yiri’’ ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah uga howlgalay arinta Markabkan isaga oo sheegay in marnaba ganacsiga uusan qeyb ka noqon karin arrimaha kale ee siyaasadeed ee labada dhinac isku hayaan.

Somaliland ayaa siweyn uga carrootay xayiraada la saaray xoolaha ay u dhoofiso dalka Sacuudiga, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay arintan mas’uul ka tahay.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
7/19/2019 2:03 PM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Puntland ayaa goor dhow shaaca ka qaadday mowqifka uga aaddan guddi uu dhowaan magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wada-hadallada Soomaaliland.

7/19/2019 1:59 PM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)-Guddiga dib u heshiisiinta ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

7/19/2019 11:03 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta gaaray Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada, Wafdiga Madaxwaynaha ayaa isugu jiray Odayaal dhaqameed, Ugaasyo iyo Wasiiro heer degaan ah.

7/19/2019 9:50 AM EST
Ciyaarahii Todaabdka Soomaalida ee Toronto ayaa wali si xiiso leh uga socdaa magaaladaas, iyadoo 14 kooxood ee ku tartamaayey ay shalay qaar ka mida ciyaareen wareegii labaad ee tartankaas.

7/19/2019 9:36 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ku duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaanka Kuunyo Baroow.

7/19/2019 6:33 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Iyadoo dhawaan la filayo in Jubbaland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya shaki musharixiinta qaarkood ka qabaan sida ay Kismaayo uga dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

7/19/2019 5:18 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Ku simaha taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed, ayaa garaadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.

7/19/2019 4:10 AM EST
Jimco, July, 19, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane ayaa lagu soo gabagabeeyay shirka STEM oo loo soo gaabiyay [Science, Technology, Engineering and Mathematics] kaa oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil heer caalami ah.