4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Puntland oo xirtay xubno ka tirsan guddi ku howlanaa dib u dhiska waddada bartamaha magaalada Boosaaso

Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) -  Ciidammada amniga ee Puntland ayaa lagu soo warramaya inay maanta magaalada Boosaaso ku xireen saddex qof oo ka tirsanaa guddiga dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

Xubnaha la xiray oo dhammaantod rag ah ayaa lagu kala magacaabaa,Eng Maxamuud Maalfo, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax iyo Maxamed Faahiye, mana cadda ilaa hadda sababta loo xiray.

Balse, sida laga soo xigatay qaar ka mid ah ragga la xiray - waxaa ay sheegeen in maamulka uu ku amray in ay kusoo wareejiyaan lacag $150,000 oo dollar ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday dhismaha waddada dhexmarta magaalada Bosaaso, lagactaas oo ay guddigan gacanta ku hayeen.

Dhinaca maamulka ma jiro ilaa hadda hadal ka soo baxay, waxaana xarigga raggan uu dhaliyay hadal hayn xooggan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]