4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Xujayda Soomaaliyeed oo markii u horreysay dalka ka qaadanaya Fiisaha


Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) -  Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday in xafiiska adeegga xujayda ee wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta laga siin doono xujayda Soomaaliyeed fiisaha dal ku galka.

Waa markii u horreysay sida ay dowladda sheegtay muddo ka badan soddon sanno oo xujayda ay dalka ka qaadanayaan fiisaha, halka markii hore dalalka dariska ah ay ka doonan jireen.

Wasiirka wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ,Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in maanta laga gudbay caqabad iyo culeys-kii ka heystay xujayda inay bannaanka u doontaan fiisaha, wuxuu inta ku daray in wasaaradda ay hirgalisay nidaam kaydinaya xogta xujayda.

Munaasabadda lagu daahfuray bixinta fiisaha xajka ayaa sidoo kale waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah shirkadaha horay ugu guuleystay bixinta adeegyada xujayda,iyaga oo sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog u ahaa xafladda ayaa soo dhaweeyay in dowladda ay ku guuleysatay xujayda dalka inay ka qaataan fiisaha, wuxuuna shirkadaha kula dardarmay inay adeeg farsamo oo wanagsan siiyaan xujayda.

"Maanta waxay ku tusaysa dadaalka xukuumadda in adeegga uu usoo dhaweynayo shacabka, in wasaarad walba xilkii iyo waajibaadkii ay lahayd fulinayso." ayuu yiri ra'iisul wasaare ku-xigeenka.

Dowladda waxaa ay docda kale sheegtay in xujaydii ugu horreysay oo fiisaha loogu dhuftay baasaboorka kana qaatay xafiiska adeegga xujayda ee wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta inay maanta ka dhoofeen magaalada Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]