4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2019
Somaliland oo sheegtay in aanu wada hadal qabsoomeen illaa Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dhinac burburey 1991-kii

Khamiis, Luulyo, 18,  2019  (HOL) - Somaliland ayaa ka hadashay guddida wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya u magacowday Somaliland, waxaanay sheegtay in wada hadalkaasi kaliya qabsoomi karo marka Somalia garwaaqsato in midnimaddii labadda dhinac burburtay 1991-kii.

Qoraal dheer oo garnaqsi u badan oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame ayaa u qornaa sidan: Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah:

1. In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.

Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska.

Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo.

2. Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.

Jamhuuriyadda Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn laba dal oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay laba dal oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Jamhuuriyadda Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.

Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, cadowgeedana waxa ay u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na kama suurowdo inuu gadhwadeen u noqdo cadowga dalkiisa.

Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, illaa maantana aynu nahay laba dal oo kala madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.”.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii shalay madaxweyne Farmaajo uu magacaabay guddi ka shaqayn doonta wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.