4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Booliska Soomaaliya oo digniin ka soo saaray gawaarida la dhigto hareeraha waddooyinka Muqdisho

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-  Hay'adaha amniga ayaa ku wargeliyay bulshada ku nool caasimadda inay ka firsadaan halka ay dhigayaan gawaarida,iyada oo taliska booliska uu sheegay ciidammada inay la wareegi doonaan gaadiidka goobaha qaldan la dhigto.

Ciidanka booliska ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya inan la dhigi karin hareeraha waddooyinka gaadiidka, taas haddii ay dhacdana in hay'adaha amniga ay la wareegi doonaan.

"Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Banaadir waxaa laga mamnuucay dhigista Baabuurta." sida waxaa sheegtay  taliye ku-xiggeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto ,Zakiya Xuseen Axmed.

Taliye ku-xigeenka booliska, Zakiya Xuseen  ayaa ugu baaqday muwaadiniinta inay la shaqeeyaan Hey’addaha Amniga, si ay shacabka uga badbaadiyaan dhibaatada uu cadawga u maleegayo, sida lagu yiri qoraalka Taliska Booliska.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]