Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kullan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Garoowe waxaa ay codka kalsoonida u qaaddeen Hantidhowrka guud ee Puntland.
Fadhiga waxaa guddoomiyay, Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo Daareed, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Xildhibaannada ayaa codka kalsoonida siiyay Hantidhowrka guud ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Faarax, isagoo uga mahadceliyay golaha wakiilada kalsoonida ay siiyeen.Wuxuu ballanqaaday howlkarnimo iyo hufnaan shaqo.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horraantii bishan magacaaay hantidhowrka guud, kaaso sugayay inay codka kalsoonida u qaaddan Baarlamaanka.
Dhinaca kale, golaha Baarlamaanka Puntland ayaa meelmariyay heshiiska ilaalinta terminaaladda garoomada diyaaradaha ee Puntland oo dib u eegis lagu sameeyay.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]