4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo safiirka Ingiriiska oo ka wada-hadlay doorashooyinka ka dhacaya Galmudug iyo Jubbaland

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya,Benjamin James Fedner,iyaga oo kullan gaar ah yeeshey.

Kullanka waxaa looga hadlay howlaha shaqo ee golaha Aqalka sare, xoojinta wada-shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka iyo xaaladda guud ee amni iyo horumar ee dalka.

Waxyaabaha kale ee inta uu kullanka ka socday la-dul istaagay waxaa ka mid ah doorashooyinka ka dhacaya dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya,Benjamin James ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha golaha aqalka sare inuu ka shaqeeyo sidii ay xasillooni ugu dhici lahaayeen doorashooyinka ka dhacaya deegaannada.

Amb. Benjamin ayaa sidoo kale ballanqaaday dowladda Ingiriiska inay kordhinayso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka ah ee kala dhexeysa hay’adaha dalka oo uu Barlamaanka ka mid yahay.

Gabagabadii,Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa ku ammaanay dowladda Ingiriiska garab istaaga dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna u caddeeyay golaha aqalka sare inuu qaadanayo doorkiisa uga aadday sidii ay nabadgalyo iyo xor ugu dhici lahayd doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Galmudug iyo Jubbaland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]