4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Wakiilka Qaramada Midoobay oo Baydhabo kulla kulmay madaxweynaha Koonfurgalbeed


Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-  Wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa xafiiska UNSOM, James Swan ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo , halkaa oo uu kullamo kula qaatay mas'uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed.

Swan ayaa ugu horrayn wada-hadal la yeeshay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen kullanka oo ka dhacay madaxtooyada kumeelgaarka ah ee maamulka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira xaaladda Koonfurgalbeed gaar ahaan ammaanka iyo horumarka dhaqaalaha Koonfurgalbeed iyo sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Kullanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay madaxweynaha Koonfurgalbeed iyo safiirka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay booqashada ay ku soo gaareen magaalada Baydhabo, isagoona sheegay waxyaabihii ay ka wada hadleen in la isku afgartay.

Wakiilka Qaramada Midoobau, James Swan ayaa dhankiisa ballan qaaday inay wax ka qabanayaan xaaladaha ka jira Koonfurgalbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan maamulka.

Booqashada uu Baydhabo ku tagay wakiilka Qaramada Midoobay ee muddada kooban shaqeynaya ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayay dhammaan deegaannada dowlad-gobolleedyada ee dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]