4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle oo xilka laga qaaday

 

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Wareegto dhawaan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxam'ed Cabdi Waare ayaa xilkii Wasiirka Wasaarradda Maaliyadda looga qaaday Maxam'ed Maxamuud Cabdulle Maxamed Dheere.

War ku saabsan xil ka qaadista Wasiirka ayaa waxaa shaaciyay afhayeenka maamul gobolleedka Hirshabeelle Daa'uud Ciirro oo sheegay in xilka Wasiirka loo magacaabay Cabdishakuur Abuurkar Xassan.

Xil ka qaadista Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Dheere ayaa warar soo baxaya waxaa ay  sheegayaan uu salka ku hayo  khilaaf ka dhashay shaqo joojin uu Wasiirku ku sameeyay qaar ka mid ah howl-wadeennnada Wasaarradda :

Wareegtada xil ka qaadista :

 

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]