4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Shaqo ka joojin lagu sameeyay guddoomiyihii hay’adda waddooyinka Puntland

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey hay’addaasi laga soo billaabo Jannaayo 2019.

“Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland ilaa iyo amar dambe.”ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo intaa lagu daray “Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Jannaayo 2019.”

Hay’adda ayaa si kumeelgaar ah waxaa u guddoomin doona guddoomiye ku-xigeenka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]