4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Howlgal ka socda Gaalkacyo iyo Nabaddoon xalay lagu dilay

 

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconay howlgal balaaran oo ay wadaan ciidamada Amaanka, kadib markii xalay lagu dilay halkaa mid ka mid ah ergadii soo xushay xildhibaanada golaha Shacabka.

Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay ku dileen Koonfurta Magalada Gaalkacyo Suldan Cabdulahi Suldaan Cabdiraxmaan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Ciidamada xasilinta ayaa howlgalka wada ay wadaan wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar ee Koonfurta Magalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay in howlgalkaas ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabaddoonka.

Howlgalka ayaa saakay waxaa uu saameyn ku yeeshay ganacsiga kala duwan ee magaalada Gaalkacyo, waxaana weli wax faah faahin ah ka soo bixin howlgallada ciidamada  iyo haddii ay jiraan dad loo qabtay dilka Nabaddoonka.

Bilihii u dambeysay waxaa aad u xumaaday Ammaanka Magalada Gaalkacyo,waxana lagu dilay laba Sarkaal oo ka kala tirsanaa Nabad-sugida Galmudug iyo Qarramada Midoobay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]