4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Faah faahin ku saabsan Qarax khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho

 

Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare dhimasho sababay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo gaar ahaan ka dhacay degmada Hodan  ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay laanta Sharikadda SOMTEL ku  leedahay Isgoyska Black Sea ee degmada Hodan, waxaana ku dhintay Labo ruux.

Mid ka mid ah dadka ku dhintey qaraxan ayaa  ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah, halka qof kale-na uu ka mid ahaa dadka ku dhaqan degmda.

Qaraxa  ayaa ka dhacay meel ay ciidamada ku baaraan gaadiidka aada dhinaca  cirtoogte,halkaas oo ku dhow dhismaha SOMTEL ee BlackSea, waxaana qaraxa kaddib goobta tagay oo baaritaanno ka bilaabay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]