4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Kulan lagu taageerayay dhismaha Galmudug mideysan oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, July, 16, 2019 (HOL)- Kulankan oo ay ka qeybgaleen, siyaasiyiin, xildhibaanno hore, wax-gaad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu bogaadiyay socdaalka ra'iisal wasaaraha xuuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo dhismaha Galmudug mideysan.

War-murtiyeed kulanka laga soo saaray islamarkaana nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Hiiraan Online la soo gaarsiiyay ayaa u dhignaa sidan :

Kulan magaalada Muqdisho ay yeesheen Culimaa’udiin, Odoyaasha  Dhaqanka , Dhalinyaro,  Siyaasiin , haween , Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Ganacsato ayaa waxaa si buuxdo u taageerayaan  Dadaalada  dib u dhiska ah ee dowladda Federaalka  Soomaliya ay ka waddo  Galmudug , kuwaas uu Hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha  Xukuuamdda  Soomaaliya Hassan Cali Kheyre

Dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada soomaaliyeed ee maanta ku kulmay muqdisho waxa ay ku boorinayaan Xildhibaanada Galmudug ,Siyaasiinta Galmudug, Ganacsatada Galmudug, odoyaasha dhaqanka Galmudug , Haweeynka Galmudug, Dhalinyarada Galmudug iyo cid walba oo ka damqaneeysa kala qeeybsanaanta Galmudug in ay ku gacan siiyaan xukuumadda Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo “Galmudug  mid ah”.

Haddaba si loo helo Galmudug ku dhisan sinnaan iyo caddaalad waxaan ku baaqeeynaa :

  1. In lagu garab siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalada dib u heshiisiinta ah ee ay haatan ka waddo Galmudug, taas oo horseedi karta in la helo isku duubnida bulshada Galmudug.

2-In la mideeyo  awoodaha dhaqaale  iyo kuwa siyaasadeed ee lagu doonayo in dib u  heshiisiin rasmi ah looga dhaliyo Galmudug, annagoo bogaadinayna   dadaalada Ra’iisulwasaaraha Xukuumadad Soomaaliya Xassan Cali Kheyre  uu hadda ka wado Galmudug

3-Waxaan  bogaadineynaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan  sidii loo wada qancin lahaa bulshada wada degta Galmudug taas  oo  muujineysa  in ay ka go’an tahay  xukuuamdda  Galmudug  mid ah”.

4-Waxaan dalbaneynaa ; Galmudug mid ah” loo siman yahay oo aan sadbursi ku dhisneeyn taasoo sal looga dhigo isu tanaasul  horseeda midnimo iyo wadajir waarta .

BALLANQAAD:

  1. Dhalinyarada , Siyaasiyiinta , odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka , Ganacsatada iyo dhammaan dadkii ka soo qeybgalay Kulankan Muqdisho ka dhacay waxa ay ballan qaadayaan in Ra’iisulwasaaraha Xukuuamdda Soomaliya ay ku gacansiiyaan dib u dhiska Galmudug

2-Dhalinyarada Muqdisho waxa ay soo dhoweynayaan , aadna u bogaadinayaan kaalinta muuqata ee uu  Ra’iisulwasaaraha siiyay dhalinyarada soomaaliyeed  ee ku nool Galmudug

3-Ugu dambeeyn waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan xildhibaanada , Siyaasiyiinta , Ganacsatada iyo Culimada ka soo jeedda Galmudug in la’taageero dadaalada Xukuumadda Soomaaliya ay ka waddo Galmudug .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]